Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday deegaanada Dumaaye iyo Dabalo ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug.
Gaarigaan oo noociisu ahaa Noah waxa uu siday Shiidaal iyo raashin fudud ah oo ku socday al shabaab, kaasoo la sheegay in uu ka soo ambabaxay degmada Gaalkacyo.
Ciidamada laamaha amniga ayaa sheegay inay kor kala socdeen dhaqdaqaaqiisa maalmihii lasoo dhaaf, iyagoo markii dambe gacanta ku dhigay gaarigaasi iyo raggii la socday.
Taliska Ciida ka Booliska gobolka Mudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay wadaan baaritaanno ku aadan baabuurkaasi iyo ciddii wadatay, iyagoo intaa raaciyay in ay dhowaan horgeyn doonaan maxkamadaha ku shaqada leh.