Nin hubaysan ayaa isku dayay inuu weerarro qunsuliyadda Israa’iil ku leedahay magaalada Munich ee dalka Jarmalka
Israsaaseyn xoogan oo dhexmartay isaga hubeysan iyo booliiska ayaa la sheegay inuu ninkan ku dhintay.
Maamulka ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in uu qorsheynayay in uu weeraro qunsuliyadda, iyadoo weerarkan lagu soo beegay sanad-guuradii ka soo wareegatay weerarkii ciyaaraha Olympic-ga ee ka dhacay Munich 1972-kii.
Ma jiro qof kale oo ku dhaawacmay is-rasaaseynta oo dhacday wax yar ka dib 9-kii subaxnimo ee aagga oo ku dhow qunsuliyadda iyo matxafka taariikhda Naziga ee magaalada.
Saraakiisha ayaa lagu wargaliyay qof qori sitay oo lagu arkay agagaarka Karolinenplatz, oo u dhow faras-magaalaha Munich, waxayna ku jawaabeen rasaas markii uu toogashada bilaabay ninkan.
Eedeysanaha oo watay Qori duug ah ayaa isla goobta ku geeriyooday.
Shan askari ayaa ku sugnaa goobta xilliga ay rasaastu dhaceysay. Booliiska ayaa si degdeg ah u daabulay ilaa 500 oo askari oo aaggaas la geeyay.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninka weerarka geystay uu ahaa 18 sano jir u dhashay dalka Austria, balse baarayaasha ayaa wali baaraya sababta ka dambeysa dhacdadan. welina Ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tuhmanaha.