Allbanaadir.com
NEWS

Oradyahanad caan ah oo si arxandarro ah loo dilay iyo Baaris socota

Haweeney orodyahanad caan aheyd oo u dhalatay dalka Uganda, ayaa si arxandarro ah loogu dilay waqooyi galbeed ee dalka Kenya oo ay ku nooleed, waxaana dilkan lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay nin ay saaxiibo hore ahaayeen balse kala tageen.

Rebecca Cheptegei, ayaa u geeriyootay dab uu si arxandarro ah u qabadsiiyay nin ay saaxiibo hore ahaayeen, waxaana la sheegay in dhaawac culus uu dabka ka gaarsiiyay madaxa u geeriyootay orodyahanadan u dhalatay dalka Uganda.

Haweenreydan caanka ka aheyd dalalka Uganda iyo Kenya ayaa la beegsaday xilli ay kasoo laabatay kaniisad, waxa ayna sheegeen saraakiisha booliiska waqooyi galbeed Kenya ay wadaan baaritaanno ku aadan kiiskan dilka ah.

Xiriirka ciyaaraha fudud ee dalka Uganda, ayaa si kulul u cambaareeyay kiiskan dilka ah , waxa ayna sheegeen in falkan uu ka xariiro muran arrimo qoys ka dhashay, iyagoona ugu baaqay laamaha ammaanka dalka Kenya in ay soo qabtaan dambiilaha falka geestay lana horgeeyo caddaalad.

“Aad baan uga xunnahay inaan ku dhawaaqno geerida Rebecca Cheptegei subaxnimadii hore ee saaka taasoo si xun ugu dhacday rabshado qoys, xiriir ahaan, waxaan cambaareyneynaa falalkan oo kale, waxaana ku baaqaynaa cadaalad, ,”  ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xiriirka ciyaaraha fudud ee dalka Uganda.

Oradyahanad Rebecca Cheptegei oo 33 sanno jir aheyd , ayaa kamid aheyd ciyaartoydii sannadkan ka qeyb galay ciyaarihii olombikada ee kusoo dhammaaday magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, waxaana dilkeeda ka naxay kana tacsiyadeeyay oradyahanno badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Go’aano culus oo laga soo saaray dagaalkii Luuq

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Galdogob (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada “Magaalada Cadaado oo lagu soo gabogabeyay tababar ay ay soo qaban qaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliaya

admin