Allbanaadir.com
NEWS

Kim John Un oo xukun daldalaad ah ku fuliyey 30 Sarkaal

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim John Un ayaa amray in la daldalo 30 sarkaal oo ka tirsan Maamulkiisa

Waxaa lagu eedeeyey inay ka gaabiyeen ka hortagga iyo maareynta fatahaadihii sababay dhimashada 4,000 kun oo qof oo dhowaan ku dhuftay dalkaas.

Hogaamiyaha aan jixin jixin ee Kuuriyada Waqooyi ayaa dalbaday in ciqaab adag la mariyo saraakiishan lagulana xisaabtamo wax uu ugu yeeray Khasaaraha aan la aqbali karin ee galaaftey nolosha dad kabadan 4000 oo qof

Daadadkaas ayaa ka dhashay roobab mahiigaan oo maalmo is xiga dalkaasi ka da’ayey kuwaasoo khasaare xoogan geystay.

Sida uu ku waramay Telefishanka Kuuriyada Koonfureed ee Chosun, maalmihii lasoo dhaafay ayaa la wada daldalay saraakiishaasi.

 

Related posts

Tahriibayaal ka baxsanayay Goob lagu hayay oo la dilay iyo Baaritaano lagu sameenayo

Cabdi Cade

Farmaajo oo shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan ololaha Isxilqaan (Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Daru-salaam (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---