Allbanaadir.com
NEWS

Fanaanad caan ah oo geeriyootay & DF oo ka tacsiyadeysay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed geeridii xanuunka badnayd ee ku timid Alle ha u naxariistee, Siteey Maxamed Nuur (Sitey Manoogto) oo muddo dheer ka mid ahayd hobollada Qaranka Waabari, maantana ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha wuxuu xusay in Marxuumaddu ay ahayd Fannaanad wayn, jilaa iyo majaajilayste caan ku ah cayaaraha Hiddaha iyo dhaqanka (Falkaloorka) dadkeedana usoo adeegatey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka nabadda iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna ka mid ahayd Fannaaniintii Qaranka ee dalkeenna u soo hooyay billado, door lama illaawaan ah ka soo qaadatay nabadda iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Marxuumaddu waxay kaalin lama illaawaan ah ku lahayd in magaca iyo fanka Soomaaliyeed uu caan noqdo, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeedna laga daawado isla markaana laga xiiseeyo masraxyada iyo tiyaatarrada caalamka iyo Gudahaba.

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu Marxuumadda Alle uga baryey inuu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

Related posts

R/W Rooble oo furay Shir ay kasoo qeyb galeen Wakiilada Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa kasoo kordhay Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotel kuyaala Nairobi ?

Cabdi Cade

DF & dowlad goboleedyada oo Shir heer Wasiir ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---