Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), oo lagu aasaasay Xeerka Rome 1998, waxay noqotay mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee caddaaladda caalamiga ah, oo la xisaabtanta shakhsiyaadka dembiyada sida xasuuqa, dembiyada dagaalka, iyo dembiyada ka dhanka ah aadanaha, sidoo kale gardarada.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), oo lagu aasaasay Xeerka Rome 1998, waxay noqotay mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee caddaaladda caalamiga ah, oo la xisaabtanta shakhsiyaadka dembiyada sida xasuuqa, dembiyada dagaalka, iyo dembiyada ka dhanka ah aadanaha, sidoo kale gardarada.
Ansixinta Xeerka Rome
Markii ugu horeysay ee Xeerka Rome Statute ee ICC la aasaasay, Hey’adaha Fulinta ( Xukumadaha) waxay heleen fursad ay ku saxiixdo ka hor inta aan la gaarin 31 December 2000.
Kadib 31 Diseembar 2000, Awoodda lagu ansixinayo Xeerka Rome waxay ka guurtay laanta fulinta ee dawladdaha una guurtay baarlamaannada si u ansixiyo, waddan kasta taas oo awod siineysa
Sharci diyaasha (Xildhibaanada) Hadda waa mas’uuliyadda baarlamaanka. taasoo ka dhigaysa laanta sharci-dejinta (Baarlamaanka) ee ugu muhiimsan ee geeddi-socodka dal.
Awood-siinta sharci-dejinta iyada oo loo marayo Ansixinta ICC.
Go’aanka lagu ansixinayo Xeerka Rome ee ICC, waxay keenaysaa isbeddello la taaban karo oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa awoodda ee waddanka gudihiisa iyo in lala xisaabtamo Xukumada si loo helo cadaalada.
Tusaale: Kenya.
Kenya waxey ka mid tahey ICC, waxaa ansixiyey Baarlamaanka Kenya in lagu biiro, Xildhibaanada ayaa u codeeyey 15 May, 2005.
Bishii December 2010, Dacwad-Oogaha ICC (Prosecutor) ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo in loo yeero lix qof oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore Mr. Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha hada haya xilka, Mr. William Ruto oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshadihii doorashada 2007-8.
Waxey labada mas’uul isku dayeen in ICC ka baxdo Kenya taas oo diidey Baarlamaanka Kenya, Baarlamaankana ugu baaqey in labada mas’uul ay hortagaan ICC the Hague si eedeymaha ka dhashey
qalalaasaha doorashda. Tani waxey kor u qaadey awooda Baarlamaanka Kenya in Xildhibaanada Kenya ay noqdaan kuwa shaqadooda guta lana xisaabtamaan Xukumadda.
15 May, 2026 Soomaaliya waxey geli doontaa doorashooyin, oo weli lagu heshiin, taas oo loo baahan yahey in Baarlamaanka uu salka u dhigo helana awooda, waana mid Muhiim u Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka 11 naaday.
Ugu dambeyn: Baarlamaanka ansixinta waxey keeneysaa awoodna siineysa Xildhibaanada Golaha Shacabka, Maadaama ICC tahey Maxkamadda Caalami ah waxey Baarlamaanka siineysa in Soomaaliya hesho Maxkamadii dastuurga aheyd iyo in Soomaaliya Sharciga uu shaqeeyo.
W/Q Mahad Ahmed Haji
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com