Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal la yeeshay Josep Borrel

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell .

Wadahadalka dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Josep Borrel ayaa looga wada hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

Midiwga Yurub ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Midowga Yurub garab istaag u muujiyeen Soomaaliya , iyaga oo caddeeyay in aysan raali ka aheyn in lagu xadgudbo madaxbannaadida Soomaaliya.

Related posts

Aadan Madoobe oo Isbitaal ku booqday Masuuliyiin ku dhaawacmay Weerarkii SYL (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Shir aan caadi aheyn uga qeyb galay Itoobiya (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo si rasmi ah maanta ula wareegtay Kuliyaddii Jaalle Siyaad (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---