Magaalada taariikhiga ah ee Gonder ee woqooyiga dalka Itoobiya, waxaa ka dhacay fal dad badan ka argagaxeen, kaddib markii ilmo yar oo labo sanno jir ah la afduubtay, maalmo kaddibna waddo lasoo dhigay meydka ilmahasai yar oo la dilay.
Warbaahinta Itoobiya ayaa baahiyay in Nolawit Zegeye oo labo sanno jir ah laga afduubtay gurigooda dhammaadka isbuucii hore, waxaana kooxda cunuga yar afduubatay dalbadeen lacag dhan 300 000 Birr oo u dhiganta ($2700), ehelada ilmaha ayaana la sheegay in ay bixiyeen inta badan lacagtii laga dalbaday,.
Waalidiinta ilmaha yar oo rejo ka qabay in kooxda afduubka geesatay dib ugu soo celiyaan cunugooda, ayaa la kulmay fal aad uga argagaxeen, kaddib markii cunigii yaraa ee la afduubtay meydkiisa lagu soo tuuray meel gurigooda u dhaw.
Dad badan oo ka careysnaa falkan cunuga yar lagu afduubtay laguna dilay ayaa magaalada Gondar ka dhigay dibadbaxyo rabshado watay, ciidamada ammaanka ayaana rasaas nool nool ay ku fureen dadka dibadbaxa dhigaya ku dilay saddex qof, halka tiro kalana ay ku dhaawaceen.
Dibadbaxayaasha ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan waxba ka qaban afduubka iyo dilka loo geestay cunuga yar, waxa ay sidoo kale dibadbaxayaasha dalbanayeen in caddaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkan argagaxa badan.
Dalka Itoobiya qeybo kamid ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay falalka afduubka ah iyo dambiyada kale ee rabshadaha wata, ciidamada ammaanka ayaana ku fashilmay in ay wax ka qabtaan falalkan dadka cabsida badan ku beeray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com