Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Golaha ammaanka ee QM oo Eritreya ka qaaday cuno-qabateyn saarneyd 10 sano

Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Xayiraadahan ayaa Eritrea lagu soo rogay sagaal sano ka hor markii lagu eedeeyay inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Somalia.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.

Qaraar ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madax kale oo lagu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasaaradda Kalluumeysiga ee dowlada Somalia oo digniin soo saartay (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Maamulka G/Hiiraan oo war ka soo saaray dagaal xalay ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---