Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade Soomaalieed oo goordhaw lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Waxaa sii kordhaya dilalka iyo tacadiyada kale ee Soomaalida loogu geesanayo dalka Koonfur Afrika, xili aysan jirin cid wax iska weydiineysa dilalka iyo dhibaatada kale ee Soomaalida dalkaasi loogu geesanayo.

Kooxo hubeesan ayaa goordhaw deegaanka Khayalisha ee magaalada Cape Town waxa ay ku dileen Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abuukar Macalin Xasan , waxaana ganacsadahan lagu dilay dukaan uu alaab geenayay .

Cabdi Calas Guure oo ah  Gudomiyaha jaaliyada save Somali community ayaa noo xaqiijiyay dilka ganacsadahan, waxa uuna sheegay in kooxdii dilka geestay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo katirsan booliiska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka lavu dilay ganacsadaha Soomaaliyeed, waxa ayna sheegeen saraakiisha ciidanka booliiska in baaritaan ku sameenayaan dilkaasi.

Ganacsadahan maanta lagu dikay dalka Koonfur Afrika ayaa noqponaya kii labaad ee dalkaasi lagu dilay sanadkan cusub, waxaana sanadkii hore 2017-da dalkaasi lagu dilay Soomaali gaareysa 139-qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sanad Guuraddii 58aad Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed July 1, 2018 Qore: Abdulkadir Ali Bolay 

admin

Madaxweyne Qoor Qoor oo kormeer ku tagay garoon si heer Caalami ah loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Bankiga dhexe ee Somalia oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---