Sida laga helay hadal laga soo xigtey Shire Maxamed Siyad Barre (AUN) ayaa muujisay in Janaraal Maxamed Cali Samatar (AUN) oo ka dhisnaa dhanka maangalka caqliga ayaa si buuxda awoodii hogaaminta Kacaankii Mileteriga si dadban ula wareegey, taas oo ka dhigtay Janaraal Maxamed Siyaad Bare madaxweyne muuqaal ahaan loo adeegsadey in saxiixiisa lagu fuliyo amarada Kacaanka oo isaga ay saaran tahay dhamaan masuuliyada gaboodfaladii xukunka mileteriga loogu geystey shacabka Soomaaliyeed ee rayid ahaan iyo ciidan ahaanba lahaa, waxeyna awooda Janaraal Samatar ay ka soo bilaabatay saameynteedu xeeladii ugu horeysey oo uu maangal ahaan ugu tiirsanaa awooda Shuuciyadda shisheeye, wuxuuna ahaa maskaxdii ka dambeysey xoojinta xiriirka xoogan ee u dhexeeyey Midowga Soviet iyo Soomaaliya, taas oo kaliftay in awoodiisa ay noqotay mida sida dhabta ah u hogaamineysey kelitalisnimadii Kacaanka Milteriga.
Kalitalisnimadii Kacaanka ku dhisnaa xukunka milateriga ayaa saraakiil badan si toosa iyo si dadban loogu sameeyey tacadiyo sababay geeri, silcin, iyo dibjirnimo, waxaana sidoo kale xasuuqyo toosa dagaalo loogu adeegsadey ciidanka dowladda oo loogu geystey qabiilada waaweyn, waxaana weliba duulaankaas barbar socotey maleeshiyaad hubeysan oo ah qabiilada laga tirada badan yahay oo loo adeegsadey iney si dadban uga qeybqaataan xasuuqyada loo geysanayo waxgaradka indhaha u ahaa qabiilada waaweyn iyo weliba kufsiga haweenkooda, iyadoo tirtiridaas qiil looga dhiganayey iney ahaayeen Kacaandiid mudan in qabkooda qabiil la jebiyo si ay ugu hogaansamaan amarkutaagleyntooda, balse xaqiiqdu ay ahayd in Janaraal Samatar falsafadiisu ahayd mid ku saleysan cuqdad aargoosiya iyo tijaabo uu u duurxulayey inuu ku hubeeyo, awoodna ku siiyo dadka laga tirada badan yahay si taas uu ugu hubiyo suurtogalnimada uu ku awoodi karo inuu xukunka dalka si toosa ugala wareegi karo maqaarsaarnida Siyad, isagoo la kaashanaya xoogga iyo xeelada shisheeyaha uu ku tiirsanaa.
Soomaaliya wuxuu hogaamiyahaas idman uu geliyey xiligii Kacaanka dagaalo hogaamintooda loogu talagalay in lagu dilo saraakiisha ka soo jeeda beelaha waaweyn oo xataa ay ku jireen saraakiil qiimo badan dalka u lahaa oo ka soo jeedey heybta Janaraal Siyad, waxeyna tilaabooyinkaas uu qadayey Samatar ay keentay ugu dambeystii inuu meel cidlo ah uga dhaqaaqo Siyad, kadib marka ay meesha ka baxday awoodii uu ku tiirsanaa ee Sovietka, sidaasna ceeb iyo magacxumo uu Siyad iyo tolkiisa uga dhex siibtey, kadib markii uu ku hubsaday iney lama huraan noqotay iska horimaadkii u qorsheeyey oo u dhexeeyey jabhadaha hubeysan ee ka soo jeedey qabiilada waaweyn oo uu dowlanimada ku dulmiyey iyo tolkii Siyad, waxaana taas ay Siyad ku reebtay argagax, kadib marka uu arkay in la isaga dhex baxay tolkiisa iyo jabhadaha hubeysan, waxeyna dhacdadaas ku noqotay wax uu qaadan waayey, kadib markii laangaabyadii uu ku tabar iyo tacab beelay uu ka waayey garabkiisa iyo hiiladii uu uga bartay oo afka ahayd, wuxuuna caloolxumo iyo shaleyto ugu geeriyoodey dalka dibadiisa isagoo ah dibjir cambaareysan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayey dadka intiisa badan u arkayeen nin qurbojooga oo waayoaragnimo badan ka soo kororsaday dibad joogiistiisii uu ku qaatay Mareykanka mudada dheer, waxeyna rumeysnaayeen inuu haystey fursad dahabiya oo uu ummadda Soomaaliyeed oo kala tagtay uu dib isgu keeni karey, kana shaqeyn karey wadajirkooda iyo wax wada qabsigooda, isagoo himiladaas u maraya taabo gelinteeda inuu dowladiisa ku dhiso aqoonyahanka iyo dadka waayoraga ah oo gudaha iyo dibeda jooga, balse taas bedelkeeda ayey dadka intiisa badan waxey ku baraarugeen in hogaaminjtiisii ay noqotay mid lagu sirmay oo duul kale ay maqaarsaar u noqotay, waxeyna ugu darneyd kadib markii shacabka Soomaaliyeed oo taageersanaa oo si aada ay uga xumaadeen saaxiibtinimada uu gacaltooyada kula wadaagey Itobiya ay ka yaabeen isbedelka lama filaanka ahaa ee uu ku sameeyey fikirkiisa ku aadanaa Itobiya oo uu markiisii hore oo uu ku jirey ololaha doorashada uu u arkayey iney tahay cadowga Soomaaliya.
Farmaajo guusha doorashadiisa kadib wuxuu Itobiya ka dhigtay walaal iyo saaxiib qaaliya oo uu xulafo kula noqday inuu siiyo dekedaha ku yaal xeebaha Soomaaliya, taas bedelkeedana uu ka dalbaday iney ka daayaan hanjabaada iyo faragelinta ay ku hayaan Soomaaliya, isagana ay gacan ku siiyaan sidii uu Soomaaliya uga noqon lahaa kaliteliye mudo dheer xukunka dalka haysta, waxaana xaqiiq noqotay fikradahaas isbedeley inuu sabab u ahaa weriye Fahad Yasin oo awooda saameyntiisu ay ku tiirsaneyd sirdoonka Qatar, Itobiya, iyo Kenya.Waxeyna saameyntaas ay banaanka keentay damaca Fahad uu sida dadban ugu hantiyey hogaaminta dalka, isagoo magaca farmaajo maqaarsaar ahaan saxiixiisa madaxweyne u adeegsanaya inuu ku geliyo gaboodfalo si toosa iyo si dadban loogu geysanayo dadka waxgaradka ah.
Mudane Fahad wuxuu awoodiisa ku xoojiyey inuu dadka laga tirada badan yahay ka soo buuxiyey xilalka dowladda, haddana sidoo kale uu ku tixgeliyey Al Shabaab wada shaqeynta kala dhexeysa inuu dowladda meel walba ugu soo daray saraakiishooda arxanka daran, kuwaas oo labadoodaba uu u adeegsanayey tacadiyada iyo shirqoolada abaabulan oo lagu dilayey indheergaradka uu ka cabsanayey aragtidooda fog ama uu waxyeeleyntooda ku qancinayey rabitaanka xulafadiisa shisheeye ama uu ku awood tirtirayey saraakiisha uu ku bahdilayey heybtooda ay uga soo jeedaan qabiilada waaweyn, wuxuuna haykalka saldanadiisa in lagu soo galo uu shuruud uga dhigay in cida soo galeysa ay leedahay cilad ay ku qabto cuqdad iyo ciil ay ku neceb tahay qabiilada waaweyn oo xukunka dalka kaligood is lahay siiyey, wuxuuna tusaale nool u isticmaalay awooda weyn oo ay hogaamiyeyaasha Al Shabaab ku leeyihiin koofurta Soomaaliya, iyagoo ah laangaab deegaanadaas looga tiro badan yahay, isla markaasna awood cabsigelina ku haysta xukunka qabiilada waaweyn ee ku nool koofurta Soomaaliya, taas oo isaga ku dhiirogelisey damaciisa iyo suurtogalnimada uu xukunkiisa ku sii haysan karo, isagoo adeegsanaya maqaarsaarnimada uu Farmaajo xilkaas ugu sii hayn kara mudo dheer.
Farmaajo ayaa xilkiisa ku waayey maqaarsaarnimada uu ku aaminey ma’aweelada dhalanteedka ahayd ee uu Fahad meel dheer uga tusayey kalitalisnimada uu mudo dheer dalka ku xukumi karo, waxeyna dadku ay si aada ay uga niyad jabeen dowladiisa, kadib markii uu xulafeysiga la galay Itobiya, waxeyna shacabku ay caro xooggan ka qaadeen kadib markii uu la soo baxay dhaqanxumadii lagu yaqaaney kalitalisnimada oo ahayd xukun isku dhejinta oo xilka ku dheereystay, tilaabadaas oo ay ka dhalatay dagaalo uu dhiig ku daatay, waxeyna taas u horseeday iney sabab u noqotay inuu xilkiisa ku waayo, kadib markii uu iska cabin xoogan uu kala kulmay siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuuna dalka isaga baxay isagoo xambaarsan godob badan iyo gaboodfalo isaga loo haysto, taas oo ku kaliftay inuu gabaad ka raadsado wadamo aan lahayn xukuumado dimoqaradiya si uu uga badbaado in lagu maxkamadeeyo tacadiyadii uu u geystey shacabka oo masuuliyadoodu isaga lagu soo koobay.
Fahad oo ahaa jirjiroole siyaasadeed oo sida dantiisu tahay isku dhalanroga ayaa garawsadey inuu iska fogeeyo farmaajo oo uu dembiyo badan qoorta u suray, isagoo dhagartiisa cusub ugu gacan haatinaya shaqsiyad kale oo uu doonayo sida Farmaajo oo kale inuu jaranjaro uga dhigto uu ku fuulo haykalka uu huwan yahay kursiga ugu sareeya dowladda Soomaaliya, isagoon ahayn cida loo soo doortay xilkaas, waxeyna taas u muuqataa in waxa uu uga bartay xukunkii Farmaajo oo uu ku hantay dhagartiisa ku saleysneyd maangalkiisa cuqdadeysan, inuusan ku heli doonin maamul kale oo uu dib ugu dhiso, taas oo uu milkiyadeeda uu ku doonayo inuu ku kasbado xagjirnimadiisa diimeed iyo wadaniyadiisa beenhawaaska ah, waxaana tixgelin mudan sida ay tilmaan wanaagsan u tahay in cabir looga qaato sida ay isugu midab eg yihiin Samatar iyo Fahad oo ay hagardaamadoodu xurmad dishey Siyad iyo Farmaajo, oo ay labada madaxweynaba ka wada sinaayeen damacooda ku dhisnaa kalitaisnimada ay u qabeen xukun jaceylka waalida ah oo iyaga maciin biday iney ku kadsoomaan beenhawasnimada maangalka ahayd ee laangaabyada cuqdadeysan.
Sidii Samatar iyo Siyad ay xurmadxumo ugu ku kala tageen ayey Farmaajo iyo Fahadna ay si la mida iyaguna ugu kala tageen, waxeyna sooyaalkaas ay saamoqaadkoodu israaceen ay meesha ka saareysaa inuusan midna gooni ugu liibaaneyn ama keli ahaantiis uusan uga samatobaxeyn marka ay dhacdo in labo aan isqaadan karin ay heshiis ku wada galeen xaqdarada ay ka gelayaan dadka oo ay ku damacsan yihiin dhibaateyntooda iney ku gaaraan libin siyaasadeed oo dhagarqabnimo ku dhisan, waxeyna labaduba yihiin dembiyeyaal aan laga saamaxeyn aafooyinkii ay sababta ugu kala lahaayeen sida dadban iyo sida toosan, waxeyna shacabku sugayaan inta ay cadaaladaas ka helayaan ama maalinta ay u suuretogasho ay gacmahooda ku raadsanayaan, waxaana dambiileyaashaas isku lamaansan aysan sinaba ugu suurtogaleyn in midna uu noqdo tuko cambaar leh, kan kalana uu noqdo shariif xushmad weyn dib ugula soo noqda shacabka uu waxyeeleeyey oo uu weliba doonayo inuu milkiyad iyo maamuus wanaagsan ku dhex yeesho siyaasada lagu hagayo dowladnimada Soomaaliya, waxaana taas ay u tahay tusmo cadeyna inuu Samatar waayey caqli dhaama inuu cararo mooyaane oo uu dalka siyaasadiisa uga caraabo si aan ku soo laabasho lahayn.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com