Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda Shiinaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tagay nagaalada Bejing ka qeyb galka shir madaxeedka u dhaxeeya madaxda dalalka Afrika iyo Shiinaha, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo ka socota dalalka kuyaalla Afrika.
Shirkan ka furmaya dalka Shiinaha ayaa muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac ee Afrika iyo Shiinaha, waxaana shirkan lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inta uu joogo dalka Shiinaha in uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah madaxda dalalka ka qeyb galaya shirka, kuwaa uu kala hadli doono xaalada Soomaaliya iyo sidii ay dowladiisa u taageeri lahaayeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com