Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Putin oo booqasho ku tagay dal xubin ka ah Maxkamadda ICC

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin oo hore maxkamadda dembiyada caalamiag ee ICC u amartay in lasoo xiro ,ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay dal xubin rasmi ah ka ah maxkamadda dambiyada caalamiga ee fadhigeedi yahay dalka Holland.

Vladamir Putin ayaana booqasho ku tagay magaalada Ulaanbaatar ee caasimadda dalka Mangolia, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Mangolia  Ukhnaagiin Khürelsükhin iyo masuuliyiin sar sare oo dowladda katirsan.

Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa wadahadallo la yeeshay dhigiisa dalka Mangolia, waxa ayna labada Madxaweyne kawada hadleen arrimo badan oo khuseeya xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya .

Dalka Mangolia uu booqashada ku tagay Madaxweynaha dalka Ruushka , ayaa xubin rasmi ah ka ah maxkamadda caalamiga ee ICC oo horey u amartay dalalka xubnaha ka ah maxkamadda in ay soo xiraan Vladamir Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Ukraine ayaa lagu cambaareeyay booqashada uu Putin ku tagay dalka Mongolia, waxa ayna ku eedeeyeen in ay ku xadgudbeen amarkii mackamadda ICC ayna hadda Mangolia dambiyada dagaal la wadaagto Ruushka, maadaama aysan xirin Putin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Hub la sheegay in Al-Shabaab laga furtay oo Kismaayo lagu soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Boqolaal askari oo ku dhintay dagaalka ka soo cusboonaaday Azerbaijan & Armenia

Caydiid Ali

C/raxmaan Baadiyow oo ka hadlay Khilaafka Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug

Cabdi Cade