Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta wasaaradda Difaaca Turkiga kulan kula yeeshay dhiggiisa Turkiga mudane Yaşar Güler oo uu wehliyo Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga mudane Alparslan Bayraktar.
Kulanka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya la yeeshay wasiiradan u dhashay dalka Turkiga ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinka xiriirka labada dal, gaar ahaan xoojinta dhinacyada ammanaka iyo sidoo kale tamarta.
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horey u galay heshiis iskaashi dhinaca difaaca ah, waxa ayna dowladda Turkiga hormuud u tahay taageerada ciidanka xoogga Soomaaliya, iyada oo ka taageerta dhinaca tababarada iyo sidoo kale hubka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com