Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo soo saartay go’aan wadnaha gooyey Israel

Xamaas ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo la siiyay xubnaha ilaalinaya maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo gododka Qasa.

Amarkaas ayaa sheegaya iney si buuxda amar ugu qabaan inay dilaan maxaabiista, mar kasta oo ay iskudayaan ciidanka Israa’iil inay xoog ku soo furtaan.

Hadal ka soo baxay afhayeenka garabka hubaysan ee Xamaas, Cubayda oo ay baahisay Al Jazeera ayaa sidaas lagu sheegay

“Ku adkaysiga Netanyahu ee ah in maxaabiista lagu sii daayo cadaadis militari – halkii ay heshiis ka gaari lahaayeen – waxay la macno tahay in lagu celin doono qoysaskooda iyagoo naxash ku jira.” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Xamaas ayaa maalmo ka hor toogasho ku leysay lix ka mid ah maxaabiista Israel markii ciidamada Israel ay ku soo dhowaadeen goobtii lagu hayey, meydadkooda ayaa dib loogu celiyey Tel aviv, iyadoo arrintan ay sii hurisay dibed baxyo careysan oo cadaadiska lagu hayo Netanyahu kuwaasoo la xiriira inuu aqbalo heshiiska xabad joojinta

Related posts

Beesha caalamka oo fariin cusub u dirtay Madaxda DF iyo dowlad goboleedyada (Akhriso)

Caydiid Ali

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqisho

Caydiid Ali

Askartii shalay Al Shabaab ku laayeen Gudaha Kenya oo Soomaali u badnaa (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade