Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Biixi oo shaaciyey arrin DF ku guuleysatay ka dib deyn cafintii

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo safar shaqo ku tagay dalka Maraykanka ayaa ka waramay safarkiisa & guulaha dalkeenu ka gaaray dhanka Dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dayn Cafintii kaddib inuu Dalka sameeyay horumar dhanka Dhaqaalaha ah taasina ay muujineyso dedaallada sida wadajirka ah iyo guulaha muuqado ee la gaaray.

Waxa inta wasiirku ku daray hadalkiisa in Madaxda Hay’adda Lacagta Adduunka & Bangiga Adduunka uu kala hadlay halka uu Dalka marayo iyo isbaddelka ka jira.

“Soomaaliya, Dayn cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, wana arrin lagu farxo,” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan ayaa intaas ku daray in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah kuna nool Dalka Maraykanka oo guullo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga,isago bogaadiyay dedaalkaas xooggan ay sameeyeen.

Wasiirka ayaa dhawaan ka qeyb galay shir ka dhacay Dalka Marakanka,waxa una kulama gaar gaar ah la qaatay madaxda kala duwan ee shirkaas ka qayb gashay isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

 

Related posts

Cabdirizaq Catosh: Weriyaha Laanta af-Soomaaliga ee BBC oo hawada ku soo laabanaya

admin

Joseph Ntakirutimana iyo xubno la socday oo la maamuusay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaannada Jubbaland oo deg deg loo dhaariyey iyo Xiisad ka taagan Kismaayo & Al shabaab oo laga saarayo….

admin
Taboola Ads ---