Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan caan ah oo lagu xiray garoonka Diyaaradaha Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka maanta xireen xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo katirsan Golaha Wakiillada maamulka Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa xilli uu kasoo degay, waxaanu wararka sheegayaan in xildhibaanka uu ka yimid dalka Imaaraadka Carabta uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Laamaha ammaanka maamulka Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadlin xariga garoonka Hargeysa loogu geestay xildhibaan Maxamed Abiib, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay golaha Wakiillada uu katirsanaa xildhibaanka la xiray.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo laga soo doortay gobolka Awdal , ayaa kamid ah xildhibaanada sida weyn mucaaradka ugu ah siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana dhawaan fashilmay isku day la doonayay in xildhibaanka xasaannada looga qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ruushka oo xaalad oo adag oo dhinaca Nolosha ah galinaya dadka ku haray magaalada Kyiv

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo digniin culus siiyey shacabka

Caydiid Ali

Dowladda Kenya oo hakisay go’aan ay dhawwaan soo saartay kaddib muran ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---