Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Waa Maxay ujeedada safarka Cali Max’ed Geeddi uu ku tegay Magaalada Kismaayo?

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta gaaray  magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland, iyadoo ay halkaasi ku soo dhoweeyeen madaxda ka tirsan Jubbaland.

Socdaalka Cali Maxamed Geeddi ee magaalada Kismaayo ayaa wararku sheegayaan inuu la xiriiro waanwaan uu ka dhex wado madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu kula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khilaaf weyn kala dhaxeeyo dowladda Federaalka, iyadoo Cali Geeddi uu ka mid yahay siyaasiyiinta gacan-saarka la leh Dowlada madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la filayey inuu tago magaalada Kismaayo, wuxuuna safarka Cali Geedi u muuqdaa mid looga hordhacayo safarka Xasan Sheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Cali Guudlaawe ka qabanayaa Raage Ceelle? (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal katirsanaa ciidanka Booliiska oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo Madaxweyne ka hadlay

Cabdi Cade

Wadamada Islaamka oo ka falceliyay Hadaladii gefka ahaa ee kasoo yeeray Emmanuel Macron

Cabdi Cade
Taboola Ads ---