Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ku baaqay in diyaarada Kenya Airways lagu xanibo Muqdisho magdhawna …

Diyaarada Kenya Airways ayaa lagu eedeeyay in bahdil iyo dhibaato kalaba u geesatay muwaadin Soomaaliyeed oo rakaab ahaa, waxaana diyaarada la sheegay in kansashay in ay meesha ka saartay duulimaad la filayay in ay Muqdisho ku tagto , iyadoona silcisay rakaabkii Soomaalida ay qaadi laheyd.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliiyeed ay ku jiraan shaqaale dowladeed lagu bahdilay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay wasiirka in diyaarada Kenya Airways meelo kala duwan kasoo qaaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo kusii jeeday Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in ay kansashay saddex duulimaad ,iyadoona bannaanka u saartay hoteelana dejisay dadkii kale ee ajaaniibta ahaa diyaarada la socday, halka dadkii Soomaaliyeedna loo diiday in ay garoonka bannaanka uga baxaan.

”Madaxtinimadu waa in aad masuuliyad iska saarto dhibaatada dadkaaga iyo ilaalinta sharafkooda, waxaan aad uga xumaaday sida muwaadiniin Soomaaliyeed oo badankooda yihiin shaqaale dawladeed loogu bahdilayo Airport-ka Nairobi Kenya, waxay meelo kala duwan ka soo raaceen Kenya Airways, halkii ay hore ugu sii qaadi lahayd Mogadishu Somalia, sida ay ii sheegeen waxay Kenya Airways Cancell-gareysay ilaa sadex flight, dadkii Nations-ka kale banaanka ayey u bixisay oo Hotels ayey dejisay, Soomaalidii waa loo diiday in ay banaanka u baxaan oo meesha ayey ku xidhan yihiin ilaa 3 habeen, waxaa ku jirta caruur” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Maareeye , ayaa ku eedeeyay safaaradda Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairobi in ay ku fashilantay in ay u adeegto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxa uuna ku baqaay in diyaarada Kenya Airways marka ay tagto Muqdisho la xannibo ilaa ay magdhaw ka bixiso .

”Wasaaradda Gaadiidka iyo Civil Avaition-ka Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in Kenya Airways lagu xanibo Airport-ka markii ay soo degto oo ay halkaas fadhido ilaa inta ay ka bixinayso magdhowga dadka Soomaaliyeed ee ay ku xadgubtay” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa dhibaato badan kala kulmaya shirkadaha diyaaradaha qaarkood ay ku safraan, mana jiro cid wax ka qabata dhibaatooyinkaasi ay ugu dambeyso midda hadda ku kacday diyaarada Kenya Airways.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Karaash oo la kulmay qoyskii uu ka baxay marxuum Cali Khaliif Galeyr (Sawirro)

Caydiid Ali

Askar gaari kala goosatay Wasiir ka tirsan Jubbaland oo u galay Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

ErdoÄŸan oo si khiiro leh uga hadlay qalabkii Turkigu ugu deeqay Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---