Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo ka hadashay hadalkii kasoo yeeray Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray uga  digay Xukuumadda Soomaaliya in dal Shisheeye uu kala jeeday dalka Imaaraadka Carabta lagu wareejiyo maamulka hawada Soomaaliya.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyne hore Farmaajo waxaa durba si deg deg ah uga jawaabay hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya , waxa ayna hay’adda sheegtay in aysan jirin dal shisheeye oo lagu wareejinayo maamulka hawada.

War kooban oo kasoo baxay hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aysan xilligan suurto gal aheyn in maamulka hawada Soomaaliya dal shisheeye lagu wareejiyo, waxa ayna hay’adda tilmaantay in aysan jirin qorshe suurto gal ka dhigi kara in maamulka hawada dal kale la wareego.

”Hawada Soomaaliya waa astaan qaran, waxayna sameysay horumar lataaban karo tan iyo markii ay kusoo laabatay gacanta Dawladda Soomaaliya. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay’adad Duulista Ratidka Soomaaliya .

Hadalkan kasoo baxay hay’adda Suulista Hawada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli la sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta lagu wareejiyay qabashada dhaqaalaha ka soo xerooda dayuuradaha isticmaala hawada Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ashraf Ghani oo wacad ku maray inuu iska caabin doono Taliban

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca Kenya oo gaaray Kismaayo lana kulmay Axmed Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar toos ah ku qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---