Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo xilka ka qaaday Cabdirishiid Jilley (Akhriso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

Go’aankan ayaa waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda  ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka  maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Vila Somalia ma sheegin sababta xilka loo qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley hase ahaatee masuulkan oo ka soo jeeda Koonfur galbeed ayaa maalmahan barihiisa bulshada ku baahinayey qoraalo ka dhan ah ciidamada Masaarida ee dalka la keenayo dhinaca kalena  lagu taageerayo ciidamada Itoobiya ee jooga gobolada bay bakool qeybo ka mid ah.

 

Related posts

(Akhariso) Shuruudaha ka mid noqoshada Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo dalka Serbia kula kulmay Mufti Sheekh Mustafa Jusufspahić (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeesay la kulmaya Muuse Biixi 

Cabdi Cade