Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shaaciyey inuu ka baxay isbaheysigii siyaasadeed ee uu la lahaa Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Farmaajo iyo saaxiibadiis Fahad Yaasiin, Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire ay ku kulmeen dalka Turkiga maalmo ka hor uuna u cadeeyey in ololihiisa dambe ee doorashada aysan qeyb ka noqon doonin, wax garab ahna uusan ka rabin.
Xogta ayaa sheegaysa in xubnahaasi ay la fajaceen go’aanka uu ka qaatay Farmaajo, iyagoo u sheegay in arrintaas ay ka soo tashanayaan, balse waxaa xigay qoraalka uu galabta soo saaray Fahad Yaasiin
Farmaajo iyo Fahad ayaa ahaa saaxiibo siyaasadeed oo aad isku dhow intii lagu guda jiray muddo xileedkii nabad iyo nolol intii u dhexeysay 1996-2021.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA FAHAD YAASIIN