Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo ku dagaalamay Xarardheere iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug , ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay labo ciidan oo magaalada kuwada sugan, waxa uuna dagaalkaasi khal khal badan ku beeray dadka deegaanka.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ka dhacay degmada Xarardheere ayaa u dhaxeeyay ciidamo taabacsan maamul cusub uu dhawaan Madaxweynaha Galmudug u magacaabay degmadaasi iyo ciidamo kale oo horey ugu sugnaa Xarardheere.

Dagaalka ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay agagaarka xarunta degmada Xarardheere, waxaana wali gudaha degmada laga dareemayaa xiisad u dhaxeysa labada ciidan ee iska soo horjeeda kuna dagaallamay maanta degmadaasi.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadka ka dhacay gudaha degmada Xarardheere, waxaana aaga lagu dagaallamay isaga qaxay dadka shacabka ah ee halkaasi degan, kuwaa oo ka cabsi qaba in mar kale labada ciidan isku dhacaan.

Degmada Xarardheere waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad ka dhalatay xil ka qaadis uu guddoomiyihii degmadaasi ku sameeyay Madaxweynaha Galmudug, waxaana magaalada wali ka jirta xiisado , iyada oona ay kuwada sugan yihiin ciidamo iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay Masuuliyiin iyo saraakiil kasoo jeeda Itoobiya iyo Eritrea

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo kasoo jawaabay Baaqii Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo la siiyay Shahaadada Xildhibaanimo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---