Allbanaadir.com
NEWS

Maxaabiis Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay Rafah iyo Xamaas oo ka hadashay

Ciidamada arxanka daran ee Israa’iil ayaa wali wada howlgaladda cir iyo dhulka ah ay ka fulinayaan magaalada Gaza iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw, waxaana aagagaasi ka dhacay duqeymo culus iyo sidoo kale dagaal jilbaha la isku aastay.

Magaalada Rafah waxaa laga helay meydadka maxaabiis u dhalatay Israa’iil kuwaa oo gacanta ugu jiray dagaalyahannada ururka Xamaas, waxaana maxaabiistaasi la sheegay in ay ku dhineen duqeymo ay geesteen Israa’iil.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururka Xamaas ayaa lagu shaaciyay in lix maxbuus oo kamid ahaa dadkii gacanta ugu jiray la dilay, waxa ayna dhimashada maxaabiistaasi kooxda Xamaas sheegtay in ay masuul ka yihiin ciidamada Israa’iil ee wada duqeymaha.

Maxaas ayaa sidoo kale war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Mareykanka sidoo kale masuul ka tahay dhimashada maxaabiista gacantooda ku jiray, waxa ayna sheegeen in Mareykanka hubka duqeymaha lagu fulinayo iyagu siiyeen Israa’iil.

Maxaabiis badan oo ku jiray gacanta kooxda Xamaas ayaa lagu dilay duqeymo iyo weeraro ay geesteen ciidamada Israa’iil, waxaana la rumeysan yahay in qaar badan oo kamid ah maxaabiistii Israa’iil laga qafaashay ku dhinteen dagaalka iyo duqeymaha ka socda Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan: “Waa in Israel lagula xisaabtamaa dembiyada dagaal ee ay geysatay”

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo shaaciyay xilliga la qaadayo dhag-xaanta lagu xiray waddooyinka Muqdisho

Cabdi Cade

Xamse & Madaxweyne Rashiid oo ka wada wadahadlay..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---