Xildhibaanno katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo shalay warbaahinta kula hadlay albaabka xarunta golaha, ayaa taageero iyo garab istaag weyn u muujiyay ciidamada xabashida Itoobiya ee ku sugan qeybo kamid ah gobolada dalka.
Xildhibaannadan oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed , ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya yihiin kuwa usoo gurmaday dadka Soomaaliyeed ayna muhiim tahay in dalka sii joogaa, waxa ayna ka digeen xildhibibaannadaasi in dalka la keeno ciidamo ka socda dalka Masar.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji , ayaa si adag uga falceliyay xildhibaanadda taageerada u muujiyay dowladda Itoobiya, waxa uuna nasiibdarro ku tilmaamay in golaha Shacabka hortiisa in xildhibaanno ku taageeraan cadawga Itoobiya.
Waxa uu soo jeediyay Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya in Baarlamaanka laga difeeyo xildhibaannada taageersan Itoobiya, waxa uu didoo kale soo jeediyay in xildhibaannadaasi lagu soo eedeyo qiyaayaanno Qaran in ay ku kaceen.
”Bal ka waran haday maantay xildhibaano Ethiopian ahi Golohooda shacabka ka hor dhihi lahaayeen intay maanta kuwo xildhinaano sheeganayey Goloha Shacabka Soomaaliya hortiisa ka dheheen maxaa ku dhici lahaa? jawaabta suaashaas waxaan u daynayaa Shacabka Soomaaliyeed. Laakiin waxaan soo jeedinayaa in baarlamaanka laga sifeeyo wakiilada Ethiopianka laguna soo eedeeyo Qodobka 208aad ee xeerka ciqaabta soomaaliyeed (Qiyaano Qaran) si ay shacabka soomaaliyeed ugu dhiiradaan inay ka hortagaan dhul-balaarsiga Ethiopia” ayuu yiti Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya degmooyin katirsan ayaa lagu qabtay dibadbaxyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya laguna diidayo kuwa Masar in dalka la keeno, waxaa sidoo kale xildhibaanno kasoo jeeda deegaannadaasi iyana tagaeero u muujiyeen Itoobiya oo ah cadawga koobaad ee Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com