Allbanaadir.com
NEWS

Waddo Laami cusub oo laga dhisay Muqdisho oo xariga laga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saakay xariga ka jaray waddo cusub oo laami ah, taasi oo laga hirgeliyay degmada Yaaqshiid, iskuna xirta waddada Jeneral Daa’uud ilaa Dahabshiil  Suuq Bacaad.

Dhismaha waddadan oo muddo socotay ayaa waxaa gacan weyn ka geestay ganacsatada ku dhaqan degmada Yaqshiid iyo dadka deegaanka, waxaa sidoo kale dhismaha waddadan kaalin weyn ku lahaa maamulka gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha isku tashiga dhismaha kaabayaasha waddooyinka uu qeyb weyn ka qaatay soo celinta bilicda, kobaca ganacsiga, dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada, asigoona ugu baaqay qeybaha kala gedisan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.

Waddooyin badan oo kuyaalla magaalada Muqdisho oo bur bursanaa ayaa dib u dhis iyo laamiyo loo sameeyay, waxaana jira waddooyinka la dhisay qaarkood in ay bur bureen ayna noqdeen kuwa aan hadda la mari karin, kaddib markii loo dhisay si aan tayo laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo Muqdisho soo gaarsiisay Saraakiil & saanad milateri

Caydiid Ali

Dowlada oo shaacisay in Puntland iyo Jubbaland aysan aqbalin Shirkii uu Iclaamiyay Farmaajo

Cabdi Cade

Maraykanka oo faahfaahiyey duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---