Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay la sheegay in ay soo gaareen xubno katirsan kooxda Al Shabaab.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay heleen xogta in dagaallamayaal katirsan Al Shabaab soo gaareen deegaanno katirsan Halgan, waxa ayna sheegeen in deegaannadaasi tageen ayna ka carareen Shabaabkii soo gaaray.
Waxa ay sheegeen saraakiisha in iyagu hadda gacanta ku hayaan goobihii lagu arkay kooxda Al Shabaab , waxa ayna xuseen in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ilaa laga saarayo dhammaan deegaannada hoostaga degmada Halgan.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan gobolka Hiiraan , ayaa horey ugu guuleestay in kooxda Al Shabaab xoog uga saaraan deegaanno badan oo katirsan gobolkaasi oo horey kooxda awood ugu laheyd uguna suneyd.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com