Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Somalia waxay ka adkaaneysaa Itoobiya iyadoon dagaal la gelin”

Tixsigu Dantiisa Ayuu Ugu Dhex Jiraa Qurunka Saxarada

Itobiya iyo Soomaaliya marna xiriir wanaagsan kama dhexeyn, marka laga reebo isku beenguurida iyo afgubaadsiga derisnimo wanaaga, waxaana u dhaxeysa cadaawad soo jireena oo jiilba jiilka ka dambeeya uu doonayo inuu midba midka kale ku burburiyo awoodiisa dowladnimo, waxaana Itobiya dhowaan soo martay fursado qaliya oo ay sodonkii sano ee u dambeeyey taariikhda Soomaliya ay uga dhex faa’iideysaneysey qeybinta midnimada wadajirkeeda ummaddeed iyo kala googeynta wadajirka midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxeyna qorshaheedu markasta ahayd iney ka adkaato Soomaaliya oo ay marka hore burburiso dowladnimadeeda, kadibna ay caalamka ka ansaxsato iney ku darsato dhulkeeda, iyadoo adeegsaneysa xeeladaha ay Yuhuudu kula wareegtay dhulalka Falastiin, waxeyna dhagartaas ay ka dhigeysaa Itobiya iney tahay Yuhuuda madow oo ku dhex beeraan qaaradda Afrika, taas oo sababteeda awgeed ay ku noqotay iney ahaato xaruunta Qaaradda Afrika laga xukumo.

Itobiya markii ay bilowday iney ku soo duusho Soomaaliya 2005 waxey heshiis lacageed oo gaaraya100 milyana ay bil walba kula gashay dowladda Mareykanka oo ka soo horjeedey wadaadada awoodoodu ku soo xoogeysaneysey Soomaaliya, gaar ahaan koofurteeda, waxaana heshiiskaas ay wada galeen labadaas wadan aan sinaba meelena aan looga tixgelin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo ka soo horjeedey jiritaanka qabqableyaashii ahaa dagaal ogeyaasha oo ka shaqeynayey adeegyada danaha shisheeye oo ay taas bedelkeeda ku dhaafsanayeen hub iyo lacag ay ku gumaadayeen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna heshiiskaas uu 4 sano oo xasuuqa uu ka dhex wadey gudaha Soomaaliya, kaas oo ay ku naf waayeen qiyaasta boqol kun oo rayida, waxaana ku barakacay qiyaasta 3 milyan oo shacab ah, waxaana ku burburay hanti aan xisaab lahayn oo lagu qiyaaso 16 bilyan USD, kuwaas oo u badnaa kuwo la bililiqeystay.

Duulaankii Itobiya waxaa ka dhashay xagjiriinta Al Shabaab, taas oo soo dedejisey in dowladda Mareykanka ay uga baxdo balantii lacageed oo ay siineysey Itobiya, kadib marka ay dareentay dhagarta qarsooneyd oo ay Itobiya sida hoose u wadatey, taas oo ah iney shacabka Soomaaliyeed si hoose u xasuuqeysey, iyadoo aan u kala saareyn xasuuqideeda dagaalyahanada dagaalamayey iyo rayid aan waxba galabsan balse qalbiga ka taageersanaa dagaalyahanada, waxeyna balanfurka Mareykanka ay ku qasabtay ciidamada Itobiya iney Soomaaliya isaga baxaan, maadaama aysan awoodin ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan iney Soomaaliya sii haystato, waxeyna dowladda Itobiya taariikh ahaan ay guul ka gaartey iney sameysay iney calankeeda ka dhex taagto madaxtooyada Soomaaliya, wasaaradda gaashaandhiga, iyo in ciidankeedu ay cagaha soo geliyaan xeebta liido oo ka turjumeysa in ciidankeedu soo gaareen badweynta Hindiya oo ay taariikhdeeda ku qoreyso iney rumeyn karto riyadeedii dhalanteedka ahayd oo ahayd gaarista badweynta Hindiya.

Itobiya oo damiirxumadeeda ka baxsan dadnimada ay ku sameysay tacadiyada ayaa taas bedelkeeda sheeganeysa iney Soomaaliya u sameysay nafhurnimo iyo iney hanti badan iyo maskax waxtar badan leh ay gelisey xasiloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana ay dadaalkeeda awgeed ay dowladda Soomaaliya ay ku istaajisey cagaheeda, waxeyna beerlaxawsigaas uga dan leedahay iney ku daboosho dadkii indhaha u ahaa waxgaradka Soomaaliya oo ahaa aqoonyahanka iyo saraakiishii ciidanka aqoonta durugsan u lahaa oo ay ku dhameysay dilalka qorsheysan iyo shacabkii ay sida bareerka ah ay kala soocid la’aanta ugu xasuuqeysey, waxeyna sidoo kale ay beerdulucsigaas ku rabtaa iney ku qalado ra’yiga caalamka oo ay isugu muujiso iney Soomaaliya dhaxalkeeda wax ku leedahay oo ay 33 sano hiil iyo hooba la garab taagneyd, iyo sidoo kale iney ujeedadeedu tahay iney dadka ay ku beeratay 30kii sano oo la soo dhaafay Soomaaliya ay ugu abaal sheegato walaaltinimo ku saleysan Afrikaanimo oo ay meesha uga saareyso soo dhoweysiga xigtada Carbeed.

Soomaaliya waxey iyaduna heleysa Fursad Dahabiya oo ay si wanaagsan isaga caabineyso daandaansiga Itobiya kadib marka ay Itobiya wakhtiga dhow ay si aan ka soo kabasho dhow lahayn ay ugu burburto gacmaha Aby Ahmed iyo xulafadiisa, waxeyna Soomaaliya fursadaas uga faa’iideysaneysaa iney dib u celiso mowjadihii watey daadadka ahaa sooyaalka oo ay qarniyaal badan Itobiya ku majaxaabineysey jiritaanka Soomaaliya iyo qaranimada  madaxbanaanideeda, iyadoo gacmo dhagareed ka heleysey gumeysteyaashii reer Yurub oo ay diintooda iyo Yuhuudnimadeeda awgeed ay ku beerlaxawsaneysey, waxeyna Soomaaliya ay fursadaas ku heleysaa mudo dheer oo ay dhibaatada Itobiya uga reysato, si fiicana ay uga soo kabsato hagar-daamooyinkeedii, waxeyna Soomaaliya ay noqoneysaa iftiinka rajada ka ifeysa gobolka Geeska Afrika, taas oo indhaha caalamka ku soo jeedineysaa saameynta xooggan oo ay Soomaaliya ku yeelaneyso adduunka, waxeyna taas xeebaha Soomaaliya ay u horseedeysaa iney noqdaan kuwo baraare, barwaaqo, iyo hodontinimo ku bulaala.

Soomaaliya waxey ka adkaaneysaa Itobiya iyadoon wax dagaala la gelin, balse waxaa dulinimo ku dambeynaya kuwa leh diirka Soomaaliyeed laakiinse qalbigoodu Xabashiyoobey, kuwaas oo ay aragtidooda gaaban ay siisay iney weli si xooggan u rumeysan yihiin awood weynida Itobiya oo ay muuqato in gabalkeedu sii dhacayo, kuwaas oo adeegeyaal u ahaa danaha fog ee Itobiya, aamineyna aragti wadaaga ay kula qabeen dhalanteedka Itobiya oo ay kula wadaagtey in qeybinta Soomaaliya ay saldanadoodu ku sii hoos jireyso difaacideeda, balse waxeysan kuwaasi aysan ogeyn in la waayey cadow nin raacay oo cawaaqibtiisu ay wanaag ku dambeysey, waxaana xusid mudan Col. Cabdullahi Yusuf (AUN) iyo xulafadiisii oo 40 sano qabaan u ahaa danaha Itobiya ay Soomaaliya ku burburineysey inuu ugu dambeyntii uu meesha isaga tagtey isago gabow liita  iyo cudur xun la il daran, waxeyna weliba ay cimrigiisii ku sii sagootisay ceeb iyo fashil ay ku reebtay taariikh madow iney ku soo afjartay 40 sano oo uu cawaaqibxumo ku soo dhamaaday halgankiisii siyaasadeed, taas oo dhaxal siisay inuu caloolxumo iyo sharafxumo dibjirnimo ugu geeriyoodo wadanka dibediisa.

Dowladda Jabuuti ayaa maslaxad u mooda in samarsiinta ay Itobiya ku siineyso dekedeeda iney noqoneyso mid ay Itobiya ugu  maarmeyso oo ay uga tanaasuleyso damaceeda ku aadan xeebaha Soomaaliya, balse taas ay noqoneyso hami dheeriya oo ay Itobiya ku lahaato iney ku qaadato dekedaha Soomaaliyeed ee ku yaala xeebaha Jabuuti, waxaana horay loo yiri: “Nin xaaskaaga raba, siinta gabartaada kuma hakado” Waxeyse ahayd in madaxweynaha Jabuuti uu ka fiirsado dhulka Soomaaliyeed ee uu bixinayo cawaaqibxumada ka dhalan karta mustaqbalka iyo dhabarjebinta ay taas ku yeelan karto dagaalka siyaasadeed oo ay Soomaaliya kula jirto iska caabinta Itobiya, waxaana si kasta weli meesheeda u taagan halistii ciidamada bada Itobiya ay ku ahayd xeebaha Soomaaliya, kadib marka dowladda Jabuuti ay Itobiya u oglaato qaadashada dekeda Tadjoura oo 80 km keliya u jirta Zeylac, waxeyna ahayd haddiiba ay dowladda Jabuuti dekedo siineyso Itobiya iney ka siiso xeebaheeda Cafarta oo xuduuda dhow la leh Eriteriya, sida Moulhoule ama Khor Angar, kuwaas oo aad uga fog xeebaha Soomaaliya, sharta Itobiyana ku sii fogeynaya dhanka Eritereya.

Faragelinta ay Itobiya ka geysaneysey gudaha Soomaaliya waa mid ay ku jirtey maslaxadeeda oo ciidan ahaan iyo siyaasad ahaan ay Soomaaliya ugu dulsaarneyd waxyeeleynteeda, mana jirto abaal ay Itobiya uga muteysatay Soomaaliya oo ay ciidamadeeddu ay dhaqaale caalamka uga helayeen dabargoynta waxgaradka Soomaaliyeed, iyo meesha ay iyagu qasad ahaan ay sabab ugu ahaayeen dhibaatada xasiloonidarada ka taagan Soomaaliya oo ay ka midka yihiin curashada iyo jiritaanka xagjiriinta Al Shabaab, dastuurka ku dhisan federaalka qabiileysan oo Soomaaliya u horseeday kala qeybin hor leh iyo xasarado siyaasadeed oo aan dhamaad lahayn, iyo maamulida ay weli gacanta ku hayaan inta badan maamul goboleedyada ka jira dalka oo ay sirdoonkeedu xukumaan, iyo weliba dhalaanrogida ay xabashi badan ay Soomaaliya ugu dhex abuurtay gudaheeda, kuwaas oo diinta muslimka iyo afka Soomaalida lagu soo tababaray, iyagoo qaarkood ay yihiin kuwo sidaan cuduro lagu dabargoynayo taranka Soomaalida.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo xariga ka jaray garoonka Dayuuradaha Baraawe (Sawirro)

Caydiid Ali

Biden oo amar ku bixiyey in la baaro dhibaato ku soo korortay Maraykanka

Caydiid Ali

Hooyo iyo Ninkeeda oo dil argagax leh u geestay gabar yar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade