Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo dil ugu goodisay Khalid Mashcal ka dib markii..

Israa’iil ayaa sheegtay inay u arkayaan Khalid Mashal oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xamaas khatar weyn oo ku soo socota iyadoo Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil uu maanta sheegay inay goob kasta ku beegsan doonaan

Israel ayaa ka carootay markii uu Mashcal ku baaqay weerarro ismiidaamin ah inay Falastiiniyiinta la beegsadaan ciidanka Israa’iil gudaha Israa’iil iyo hantidooda.

Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil, Yisrael Katz  waxaa kalo uu ku celceliyay si dhaqso ah inay u fulin doonaan isku daygooda dilka Mashcal kaasoo hadda ku sugan Turkiga.

Xamaas ayaa horey fatwa ku joojisay in weerarro ismiidaamin ah la fuliyo, hadda Mashal ayaa dib usoo celiyay oo hadal uu baahiyay ku baaqay inay Falastiiniyiinta dhulka la heysto ka fuliyaan weerarro ismiidaamin ah.

Cadaadiska ayaa hadda sare maray Falastiiniyiinta, iyadoo si aan kal sooc lahayn ay Israa’iil ugu beegsanayso Qasa illaa Daanta Galbeed ee la heysto, ficilada xun ee ciidanka gumeystaha ayaa sidoo kale kor u qaaday carada Falastiiniyiinta

Waxaa loo arkaa Falastiiniyiinta haddii ay dib u soo celiyaan weerarrada is qarxinta ah inay dhinaca kale u rogi karto dagaalka 11ka bilood socda.

 

Related posts

Raga bidaarta leh ee kunool Soomaaliland oo xal loo helay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiyihii Degmada Buulaburte oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

(Sawirro) Dhambaal laga siday Madaxweyne Xassan Shiikh oo la gaarsiiyey Amiirka Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---