Howlgal Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay xubin katirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya
Qoraal kasoo baxay Hay’ada Nabadsugida ayaa lagu sheegay in howlgal ciidanka NISA xalay ka sameeyeen xaafad katirsan magaalada Muqdisho lagu qabtay xubin katirsan Kooxda Daacish.
“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Novembar 2018, Magaalada Muqdisho ka soo qabtay shakhsi ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha. Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS” Ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.
Hay’ada Nabadsugida ayaa dhoor mar sidan oo kale u baahisay iyo howlgalo laga sameeyay magaalada Muqdisho iyo gobolo kale lagu qabtay xubno katirsan Ururada Al Shabaab iyo Daacish.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com