Allbanaadir.com
NEWS

DF oo lagu wareejiyey dayuurado dagaal oo Helikobter ah (Sawirro)

Dawladda Talyaaniga ayaa horraantii toddobaadkii hore ku wareejisay Soomaaliya afar diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee Bell 412EPX.

Dayuuradahan oo qiimahooda yahay 16 milyan oo dollar ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee hal mar la keeno dalka tan iyo markii Somalia laga qaaday cunaqabateynta hubka.

Helikobter-ka Bell 412 , waa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya ee diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxay leeyihiin labo matoor iyo hannaan awood u siinaya xaaladda cimilada qalafsan.

Waxaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan la-dagaallanka Al shabaab, waa diyaaraddo cusub dhammaantood oo awood u siinaya in si degdeg ah loo geeyo ciidamada iyo saadka gobollada fog fog waxayna fududeynayaan soo daabulida dhaawacyada. Waxaa kalo ay fulin karaan howlgallada baadi-goobka iyo ka jawaabida xaaladaha deg dega ah.

Related posts

Madaxweyne Deni oo garaacay Albaabada guryo kuyaalla Badhan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Askar ka hor timid Maamulka Axmed Madoobe oo dil & xabsi lagu xukumay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Aas Qaran oo loo sameeyay labo sargaal oo katirsan Milatiraga Somalia (Daawo Sawiarada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---