Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xilligan shir xasaasi ah uu ka socdo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, shirkan ayaana waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saraakiil ciidan.
Shirkan ka socda xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ah mid deg deg ah ayaa Madaxweynaha waxa uu la leeyahay taliyaha ciidanka xoogga dalka, kuxigeennadiisa iyo khuburo milatari , kuwaa uu kala hadlayo xaalado soo kordhay.
Sida aan xogta ku heleyno Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taliyaasha ciidanka xoogga dalka iyo khuburada kale kala hadlay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee xadka iyo qeybo kamid ah dalka ka wadaan ciidamada dowladda Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale saraakiisha uu la kulansan yahay kala hadlay ciidamada Itoobiya sidii dalka looga saari lahaa, taa badalkeedana dalka loogu soo dhaweyn lahaa ciidamo ka socda dalka Masar.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xilligan waxaa u dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo laga xabsi qabo in gacan ka hadal isku beddelo, dowladda Soomaaliya ayaana dooneysa in dalka ka baxaan ciidamada Itoobiya , halka Itoobiya dhankeeda diidan tahay in Soomaaliya la keeno ciidamo Masar ka socda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com