Maxkamad kutaala dalka Masar ayaa hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed ku riday xidigii hore ee xulka Qaranka Masar iyo kooxda Al Ahly Mohamed Aboutrika.
Waxa ay Maxkamada ku heshay Aboutrika in uu bixin waayay lacago canshuur ah oo lagu lahaa, waxa ayna Maxkamada ku riday hal sano oo xabsi ah iyo in uu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya 1,100 doolar.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Xidigii hore ee xulka Qaranka Masar in uusan joogin Maxkamada xukunka ku riday, waxaana la sheegay Mohamed in uu ka maqan yahay dalka Masar.
Maxkamadda Xukunka ku riday Aboutrika waxay sheegtay in uu ku guuldareystay bixinta canshuur lacageed laga rabay kaddib markii uu ganacsi dhexmaray shirkado sannadihii 2008-dii iyo 2009-kii.
Xidigii ay wada jeclaayeen shacuubta Masar ee  Aboutrika ayaa dowlada Masar sanadkii 2015-kii xayiraad kusoo rogtay hantidiisa, waxa ayna dowlada ku eedeesay in uu taageeri jiray Ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.
Mohamed Aboutrika ayaa hada ah falanqeeye katirsan Telefishinka Caalamiga ee Bein Sprorts ee laga leeyahay dalka Qadar, waxa uuna Xidigan intii uu qarankiisa u ciyaarayay u horseeday guulo badan oo lagu xasuusto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com