Allbanaadir.com
NEWS

Qorshe xal u noqon kara khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya oo la keenay

Dowladda Jabuuti ayaa ka shaqeeneysa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka xooggan ee xilligan u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, khilaafkaa  oo laga cabsi qabo in meel xun gaaro ayna xaalad ammaan daro ka abuurto geeska Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dalkiisu hayo qorshe cusub oo xal u noqon kara khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uuna sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in Itoobiya siiyaan marin-biyood iyo sidoo  dekad .

Waxa uu sheegay wasiirka in Itoobiya siinayaan dekedda magaalada Tadjoura oo 100 KM u jirta xuduudka Itoobiya, waxa uuna xusay in dekadan ee leedahay waddooyin ayna aaminsan yihiin in ay wax badan u tari doonto Itoobiya.

Wasiir Maxamuud Cali ayaa sheegay in qorshahan xalkan u noqon kara khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ay la wadaagi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed, marka uu furmo 4-ta bisha soo socoto ee Sebtemper shir madaxdeeda Shiinaha iyo Afrika.

Itoobiya ayaa marar badan ku celisay in muhiim tahay xoog iyo xeyladba in ay helaan marin biyood iyo dekad, lamana oga sida ay ugu qanci karaan qorshaha dowladad Jabuuti ku siineyso dekadda ayna uga marami karaan in dekad Soomaaliyeed xoog ku qaataan.

Qorshahan dowladda Jabuuti wado ayaa haddi ay aqbasho dowladda Itoobiya xal u noqon kara khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland , si ay u heshiyo marin biyood Soomaaliya kuyaalla iyo dekad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Colaada ka aloosan magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna oo si diiran loogu dhoweeyey Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Uhuru Kenyatta oo ka horyimid Qorshe Ciidamada AMISOM sanadkan uga baxayaan Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---