Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo loogu baaqay in ciidamo geyso Bakool kaddib dibadbaxii shalay dhacay

Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool , waxaa shalay ka dhacay dibadbax dad badan oo Soomaaliyeed ka careysiiyay, dibadbaxaas ayaana lagu taageerayay ciidamada dalka Itoobiya ee dalka xoogga ku jooga , iyada oo sidoo kale looga soo horjeeday ciidamada Masar in dalkeenna la keeno.

Dibadbaxaasi waxaa si weyn uga falceliyay siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa ayna nasiibdarro weyn ku tilmaameen in sannadkan la arko dad Soomaaliyeed oo u bannaanbaxaya rabitaanka ciidamada cadawga ee Itoobiya.

Xildhibaan Maxamed Abuukar oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaannada koonfur Galbeed, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin raalina ka aheyn dibadbaxii shalay ka dhacay Xudur, waxa uuna sheegay in shacabka looga faa’iideestay duruufo amni oo ku geddaaman.

“Maanta Itoobiya iyada ayaa ka gar darran Soomaaliya oo aduunkana waa ogyahay Soomaalina waa og tahay in madax banaanideeda qarameed iyo baddeeda lagu soo gar darooday wax Soomaali raali ku noqoneyso ma’aha, shacabka aan mataleyno raalli kama ah daruufbaa looga faa’iideystay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin waxa ka socda magaalada Xudur, waxa uuna ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in gobolka Bakool u dirto ciidanka xoogga dalka , gaar ahaan guutooyinka kumaandooska ee Danab iyo Gorgor.

“Hal farriin baan rabaa inaan halkan ka diro dowladda Soomaaliyeed waajib baa idinka saaran sida hadaba laga bilaabay gobollada ciidamada Soomaaliyeed maanta la tababaray amnigooda ay ku filan yihiin waxaan codsaneynaa in si deg-deg ah gobolka Bool ciidamo loo geeyo, weliba ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo Danab iyo Gorgor ay kamid yihiin” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xilligan waxaa ka dhaxeeya khilaaf xooggan oo meel adag gaaray, waxa ayna dowladda Itoobiya markan ka shaqeeneysaa sidii ay taageero uga heli laheyd qaar kamid ah mamaulada dabodhilifka , si ay dowladda culeesyo ugu furto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Guddiga doorashada Gobolada woqooyi

Caydiid Ali

Coronavirus oo caga dhigtay Jabuuti & kiiskii ugu horeeyey oo laga helay

Caydiid Ali

Sidee Xassan Shiikh ka yeeli doonaa Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---