Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil Feeryahan ahaa oo u dhintay feer Madaxa looga dhuftay (Daawo Sawirro)

Wiil 13-sano jir feeryahan ahaa ayaa u dhintay jug culus oo madaxa kasoo gaartay xili uu ka qeyb galayay tartanka feerka, waxaana geerida wiilkan da’da yar si weyn loogu baahiyay Warbaahinta.

Anucha Kochana ayaa tartan feer uu ka qeyb galayay waxaa kasoo gaartay jug culus oo waxyeelo gaarsiisay maskaxda, waxa uuna wiilkan yar geeriyooday labo maalin kadib markii jugta gaartay.

Wiilkan ayaa tartanka feerka kusoo biiray isaga oo 8-sano jir ah , waxa uuna ka qeyb galay 170-tartanka feerka ah uu ku gaaray guulo badan, waxa uuna wiilkan qoyskiisa ka caawiyay in dhaqaalo helaan.

Cayaarta feerka ee Thailand oo loo yaqaano Muay ayaa aad caan uga ah dalkaasi. waxa ayna kumaanaan dhalinyarada feerka cayaara ah iyo qoosaskooduba u arkaan in feerka uu yahay fursad lacag lagu sameeyo.

Geerida Wiilkan feeryahanka ahaa ayaa dood ka dhalisay dalka Thailand , waxaana Baarlamaanka dalkaasi dib u eegis ku sameeynayaan sharci cruurta da’doodu ka yartahay 12 sano ka mamnuucaya in ay ka qeeyb qaataan cayaaraha feerka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

IGAD oo digniino cusub ka bixisay duufaano ku soo wajahan xeebaha Somalia

Caydiid Ali

Gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo ku biirtay Booliiska Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Cawad & danjire Hassan Bin Hamza oo ka wada hadlay qodobo muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---