Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo si adag uga hortimid taageerada Milatari ee Masar siineyso DFS

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga hortimi taageerada milateri ee ay dawladda Masar u fidisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo tallaabadaas ku macneeyey inay tahay mid halis ku ah xasiloonida gobolka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ee magaalada Hargeisa ka qabsoomay maalinimadii Khamiista, ayay kaga digeen in taageerada milateri ee Masar, taas bedelkeedana waxay Masar u soo jeediyeen in ay Qaza taageero uga baahan tahay.

“Golaha wasiirradu waxa uu si adag uga digayaa xoogaga shisheeye ee meelaha fog-fog lagaga soo daabulayo gobolka geeska Afrika oo ay ka mid yihiin ciidamada Masaaridu ku soo daabulayso Muqdisho kuwaas oo maanta ay uga baahi badan yihiin inay u gurmadaan walaalahooda Qaza ee deriska la ah ee la daranyeysan baahida, darxumada, colaadaha iyo macaluusha.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha wasiirada ee Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dooday in taageerada milateri ee Masaaridu inaanay wax weyn u soo kordhinaynin Soomaaliya, balse ay jiraan dano gaar ah oo ay Masaaridu arrintan ka leedahay.

Warsaxaafadeed kale oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Somaliland ayaa isna lagu muujiyey dareenka Somaliland, iyaga oo beesha caalamkana ugu baaqay inay arrintan cambaareeyaan, kana horyimaaddaan.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Somaliland ayaa lagu sheegay, in tallaabada ay qaaday Masar inay halis ku tahay amniga gobolka oo saamaynaya Somaliland, taas bedelkeedana aanay daawade ka noqonaynin.

Dawladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa hore u gaadhay heshiis difaac iyo mid amni, waxaana tallaabadaasi ay dhashay, in Masar ay Soomaaliya soo gaadhsiiso taageeradii milateri ee ugu horraysay muddo afartan sannadood ah. Masar ayaa danaynaysa inay qayb ka noqoto ciidamada nabad ilaalinta ee bedeli doona hawlgalka haatan socda ee ATMIS.

Related posts

Waa kuma Maahir Al-Assad ninkii loo yaqaan Kawaanlihii Daraa ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shir Wadatashi uu la yeelanayo Madax hore (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Maamulka K/Galbeed oo 15 kun oo dollar ku abaalmariyey Max’ed Xasan (Sandheere)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---