Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga demada Dayniile ayaa gacanta waxa ay kusoo dhigeen Cabdiqani Daahir Shire, oo lagu eedeeyay in uu si bareer ah cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaallay xaafada Ciise Cabdi Gubta ee degmada Dayniile .
War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in baaris lagu sameenayo eedeysanaha lasoo xiray loona sii gudbin doono laamaha caddaaladda , si loogu qaado kiiska dambiga lagu soo eedeeyay.
Booliska gobolka Banaadir ayaa uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga uleh deegaanka iyo aadanaha , waxa ayna sheegeen in tallaabo laga qaadi doono ciddii ku xadgudubta geedaha.
Muuqaal laga soo duubay cagaf cagaf jareysa geedo ku yaallay hareeraha waddada xaafada Ciise Cabdi ee degmada Dayniile ayaa qabsaday baraha bulshada, taa oo keentay in dad badan ka caroodaan falkaasi ayna booliiska qaadaan tallaabo deg deg ah.