Nin hubaysan ee la tuhmayo in uu xagjir Islaam naceyb yahay ayaa lagu soo warramaya in uu weerar ku qaaday masjid ay ku cibaadaystaan Soomaalida Maraykanka, kaa oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Imaamka masjidka Daarul Xikma ee magaalada Minneapolis, ayaa sheegay in weerar loo geystay masaajidkaasi xilli habeen ah. Waxa uu sheegay in laamaha ammaanku ay baarayaan falkan islamarkaana aan wali la aqqoonsan ninkii falkaasi weerarka ah u gaystay masaajidka.
Waxa kale uu sheegay Imaamka in ninka weerarka geestay oo soo qarsaday wajiga weerar ku qaaday masjidka xilli laga maqnaa, waxa uuna xusay in bur bur iyo dhibaato kalaba u geestay dhismaha masjidka Daarul Xikma ee kuyaalla Minneapolis.
Shiikh Maxamed Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in booliska Maraykanka ay hadda wadaan baaritaanka weerarkan masjidka loo geestay, waxa uuna rejo ka muujiyay in lasoo qabto lana horgeeyo caddaaladda ninkii weerarka geestay.
Masaajida iyo goobaha kale ee cibaadada ee dadka Muslimiinta ah ku leeyihiin gudaha Mareykanka ayaa la kulma weeraro, waxaana inta badan weeraradasai lagu eedeeyaan in ay geestaan kooxo xagjiriin ah oo neceb Islaamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com