Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo kormeeray xabsi hadda kahor lagu xiray deeqna gaarsiiyay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee Xamar, asigoona gaarsiiyay deeq kala gedisan oo isugu jira geel, raashiin, dhar iyo agabyo kale oo baahi loogu qabo xabsiga.

Kormeerka uu duqa Muqdisho maanta ku tagay xabsiga dhexe ayaa daba socda ka jawaabida booqasho ay maalmo ka hor halkaasi ku tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir , taasi oo ay ugu kuurgaleen xaalada dhabta ah iyo baahiyaha ka jira xabsiga dhexe ee Xamar.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in deeqdaan ay bilaw u tahay ka jawaabida baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira xabsiga dhexe, waxa uuna xusay in maamulka gobolka ay gacan weyn ka geysan doonaan garab istaaga iyo taageerida Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Kusimaha taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed iyo taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar oo duqa Muqdisho kala wareegay deeqda kala gedisan ayaa waxa ay ka mahadceliyeen sida ay maamulka gobolka Banaadir ugu soo jawaabeen wax ka qabashada xaaladaha kala gedisan ee ka jira xabsiga Dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo warbaahinta kula hadlay xabsiga dhaxe ayaa sheegay in sannadkii 1986-dii lagu xiray xabsiga dhaxe ee Xamar, waxa uuna xusay in uu dareemi karo xaaladaha ka jira xabsiga iyo sida ay ugu baahan yihiin dadka xiran in xabsiga wax ku bartaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Faroole: “Puntland uma dhutineyso dowlad Xamar lagu waardiyeeyo”

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlad goboleedyada oo War ka soo saaray xalinta khilaafka kala dhexeeya dowladda

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2023 iyo Muuse Biixi oo..

Caydiid Ali