Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya: “DF waxay ku kooban tahay Muqdisho oo kaliya”

Warbixin laga sii daayay warbaahinta dawladda Itoobiya, gaar ahaana FANA ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay ku kooban tahay gobolka Banaadir oo aysan gaari karin gobolka shabeelaha Hoose, aysana waxba ka bedeli karin Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Itoobiya ayaa warbixintan ku sheegtay, in Masar aysan u ogolaan doonin inay timaado albaabka Itoobiya (Soohdimaha Soomaaliya), qasabna ay tahay in Itoobiya laga talagaliyo cida Nabad ilaalinta u imaanaysa Soomaaliya, ee howlka Midowga Afrika.

Itoobiya waxay kufaantay inay Soomaaliya u gurmatay oo ay samatabixisay xili adag oo ay kooxaha Argagixisada gudaha ama kuwa caalamiga ah ay qabsan lahaayeen guud ahaan dalka, ayna taabagalinta DFS dhiig u hurtay.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta Soomaaliya “qaar” hadallo cadawtinimo ah iyadoo ay sii xumaanayso xiisadda u dhexeysa labada dal ee deriska ah.

Hadalka Taye Atskeselassie ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii xukuumadda Addis Ababa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay gacansaar la yeelanayso kooxo dibadda ah oo aan la magac dhabin ujeedkooduna yahay in ay gobolka khalkhalgeliyaan. Xilli lagu wado in Soomaaliya uu ka bilowdo howlgal cusub oo nabad ilaalin ah.

Masar, oo ah waddan uu khilaaf diblumaasiyadeed kala dhexeeyay Itoobiya muddo dheer, muran ka dhashay biyo-xireenka weyn ee Addis Ababa ay ka dhistay webiga Niilka Buluugga ah ayaa muujisay in ay ku hawlgalka cusub kamid noqoto wax adag ku noqonaysa Itoobiya.

“Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa hawlahooda caadiga ah ka dhigtay inay ballaadhiyaan khilaafaadka,” ayuu Mr Taye u sheegay suxufiyiinta Jimcihii isagoo ku sugan caasimadda dalka ee Addis Ababa.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & Senator Jack Reed oo ku kulmay Garoonka Aadan cadde? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kumaandooska Soomaaliya oo burburiyay doon ay adeegsan jireen Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo saldhig muhiim ah ku wareejiyey kuwa Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali