Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo arrimo muhiim ah kala hadlay Goerge Conway iyo xubno kale

Madaxweynaha naamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Mudane George Conway, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobe ee Arrimaha Deegaanka iyo Beni’aadamnimada ee Soomaaliya iyo Etienne Peterschmitt, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobe (FAO) iyo hawl-wadeenno kale ee hay’adaha Qaramada Midoobe.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladdaha guud ee Hirshabeelle, sida amniga, horumarinta iyo dhismaha kaaabayashaa dhaqaallaha, arrimaha gargaarka, qorshaha dowladda, xoojinta xiirirka hay’adaha UN-ka ee ka howl-gala Hirshabeelle iyo dardargelinta mashaariicda socota iyo kuwa hortebinta iyo mudnaanta u leh bulshada Hirshabeelle.

Sidoo kale kulamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabaka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Beeraha Hirsahbeelle oo looga dhegaystay heerka uu marayo diyaar garowga fulinta barnaamijka dib-u-dhiska Biyo Xireenka Sabuun.

“Kulamada noocaan ah waa dardargelinta shaqooyinka wadajirka ah. Sida aad la socotaan waxa naga go’an inuu hirgalo mashruuca Sabuun oo aan ognahay faa’iidada uu Hirshabeelle u leeyahay.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Maamulka Hirshabeelle ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ay qaaday talaabooyin waa weyn oo dhanka dowlad-dhiska, waxaa maamulka ka shaqeenayaa sidii mashaariic badan looga fullin lahaa deegaannada Hirshabelle.

 

Related posts

Wasaarad ka tirsan Dowlada Somalia oo War ka soo saartay website laga jabsaday

Caydiid Ali

Dowlada Shiinaha oo si adag uga hadashay Warkii kasoo yeeray Mesut Ozil

Cabdi Cade

Abuu Mansuur oo dhagaha ka fureestay Amarkii Dowlada iyo Munaasabad lagu taageerayo oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---