Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada Galmudug oo ansixiyay gobol cusub oo lagu soo kordhiyay Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.

Ugu horreyn golaha wasiirrada ayaa warbixin buuxda oo ku saabsan amniga deegaannada maamulka Galmudug ka dhageystay wasiirka wasaaradda Amniga.

Intaas kaddib Goloha ayaa dood dheer ka yeeshay wajiga koowaad ee unkidda gobollo cusub oo ka mid noqonaya gobollada Galmudug, waxaana dood dheer kaddib goluhu cod gacan taag ah ku ansixiyay goboleynta gobolka Gal-Waaq , kaasoo oo loo gudbin doono golaha wakiillada  Galmudug, si loo dhammeystiro ka mid noqoshadiisa gobollada Galmudug.

Ugu dambeyn golaha wasiirrada Galmudug ayaa warbixin la xariirta halka uu marayo qorshaha dhismaha dekedda Hobyo ka dhageystay wasiirka wasaaradda Dekedaha, isagoo wasiirku shirka golaha ka dhex sheegay xilliga sida rasmiga ah uu u billaaban doono dhismaha Dekedda.

 

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan iskugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

Caydiid Ali

Xildhibaan cusub oo loo doortay Kursigii uu ku fadhiyay Guddoomiye Cabdiweli Muudey

Cabdi Cade

Guddoonka labada Aqal oo goordhaw gaaray Dhuusomareeb laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---