Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee dalka Itoobiya u fadhiyi doona maamulka Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito ee dhawaan la soo magacaabay.
Safiirka ayaa Madaxweynaha Somaliland u soo gaadhsiiyey salaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiye Ahmed Ali. Madaxweyne Biixi ayaa soo dhaweeyey Safiirka cusub, waxaanu u rajeeyey in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda loo soo magacaabay.
Sidoo kale waxa kulan dhax maray Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo safiirka Itoobiya uga wada hadleen arrimaha amniga gobolka Geeska Africa, adkaynta xidhiidhka labada Somaliland iyo Itoobiya iyo iskaashiga mustaqbalka labada dal iyo shacabkaba.
Dowladda Itoobiya oo damacsan in dal madaxbannaan u aqoonsato maamulka Somaliland ayaa dhawaan safiir usoo magacawday maamulka Somaliland, waxa ayna tani muujineysaa in Itoobiya ka go’an tahay in Somaliland dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale u aqoonsato.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com