Allbanaadir.com
NEWS

Maandooriyaal halis ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka booliiska Soomaaliyeed kusoo bandhigeen maandooriyaal halis ku ah bulshada caasimadda, kaas oo lagu gubay duleedka degmada Kaaraan.

Goobta  lagu soo bandhigayay ee maandooriyaasha la qabtay waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir , Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo saraakiil kale.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaanay ciidankii soo qabtay maandooriyaha , waxa uuna ugu digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha iney ka waan toowaan, cidii lagu soo qabtana sharciga lala tiigsan doono.

Maandooriyaasha ciidamada ammaanka soo qabteen oo isugu jiray khamri, xashiish, calaq ,kaniiniyaal iyo waxyaabo kale oo maankadooriya ayaa lagu gubay goob fagaare ah, waxaana dadkii lagu qabtay maandooriyaasha qaarkood la sheegay in ay xiran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si adag uga hadlay Ciidamadii maanta la geeyay Baydhabo

Cabdi Cade

Qax ka bilowday gobol katirsan Mareykanka iyo Madaxweyne Biden oo Digniin…

Cabdi Cade

Guddoomiye Mursal oo xeer jabab ku dhameynaya muranka kala dirista guddiga Maaliyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---