Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku xir xiray ganacsato badan, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay kahor yimaadeen nidaamka canshuurta gadista ee dhawaan Wasaaradda Maaliyadda soo rogtay.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange, ayaa sheegay in Muqdisho lagu xir xiray ganacsato ka badan 100 ruux, kuwaa uu ku eedeeyay in ay hareer mareen nidaamka qaadista canshuuraha.
Waxa uu sheegay wasiirka in ganacsatada lasoo xir xiray la qabtay iyaga oo iibka ganacsigooda u adeegsanaya numbero caadi ah ama EVC iyo Edahap, iyaga oo ka leexday Merchantiga si ay uga dhuuntaan lacagta canshuurta iibka ee lasoo rogay.
“Dad badan oo isku dayay inay ka leexdaan waddadii loogu talagalay canshuurta ka leexday, isla markaana isticmaalayo lamaro gaar ah ayaa soo baxay maanta an idin la hadlayo waxaa xarumaha dowladda la horkeenay dad ka badan 100 qof oo lagu qabtay iyaga oo ku ganacsato lambaro oo ka leexday Merchant” ayuu yiri wasiir kuxigeenka Maaliyadda.
Wasiir Xaange ayaa sheegay in ganacsatada waajib ku tahay in wax ku iibiyaan kaliya Merchant, isaga oo tilmaamay in sidoo kale ganacsatada loo oggol yahay in lacag kaash ah wax ku iibsadaan, balse aan la oggoleyn in lacagaha numberada caadiga ah lagu tuuro wax lagu kala iibsado.
Ugu Dambeyn Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Soomaaliya ayaana sheegay in ganaaxyo adag lagu ridi doono ganacsatada hadda xiran, isagoona uga digay ganacsatada kale in ay u hoggaansamaan canshuurta gadista ayna wax ku iibiyaan kaliya adeegga Merchentiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com