Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka Golaha Shacabka oo loo gudbiyay Warbixin laga soo diyaariyay….

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn kulanka guddiga ayaa warbixin looga dhageystay guddi gaar ah oo uu guddoomiyaha Golaha Shacabka u xilsaaray kasoo talo bixinta hay’adaha madaxabannaan oo hore Xildhibaanadda Golaha Shacabka uga doodeen kulan weynaha Golaha, waxaana Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu xubnaha Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixin dhowr bog ka kooban oo ku saabsan doodihii iyo aragtiyadii xildhibaanadda iyo sidoo kale talo soo jeedinta guddiga.

Sidoo kale guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiyadda ayaa xubnaha guddiga joogtada waxa uu la wadaagay faahfaahinta warbixinta xaaladda xabsiyada dalka, marxalada ay ku suganyiyiin maxaabiista, baahiyaha xabsiyada ka jira, mudadii ay shaqeynayeen dhinacyadii ay la kulmeen, booqashooyin ay xabsiyada ku tageen iyo waxyaabihii kala kulmeen.

Dhinaca kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ka dooday ajandeynta kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxaana warbixino looga dhageystay guddoomiyaasha qaar ka mid ah guddiyada Golaha, xubnaha guddiga joogtada ayaana ansixiyey fadhiyada Golaha ee todobaadka soo socda.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga joogtadda iyo sidoo kale guddiyada gaarka ah ee warbixinada kasoo diyaariyay arrimaha xabsiyada iyo hay’adaha madaxabannaan, wuxuuna sheegay in warbixinada guddiyadan ay soo gudbiyeen la ajendayn doono si ajendayaasha kulamada guud ee golaha loogu daro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarada Air Jabuuti oo shil ku gashay garoonka Diyaaradaha magaalada Garawe

Cabdi Cade

Digniin laga bixiyey macluul dunida ku soo wajahan & hal arrin oo sabab looga dhigay

Caydiid Ali

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab & dowlada Somalia oo War ka soo sartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---