Allbanaadir.com
NEWS

Maxay Xamaas u fududeysay sii deynta Farhan Al-Qadi? (Sawirro)

Ciidanka Israa’iil ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen unuga Flotilla 13 oo ka tirsan ciidanka badda Israa’iil inay ku soo furteen maxbuus ka tirsanaa maxaabiista Israa’iil ee ay 7 Oktoobar gacanta ku dhigeen Xamaas , markaa ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo la xiriirta sida uu u dhacay howlgalka ay sheegeen inay ku soo furteen maxbuuskan oo 52 jir Carab -Israa’iili ah, kaaso lagu hayay god ku yaalay koonfurta Qasa.

Israa’iil waxay isku muujisay guul ay gaareen iyo inay sirdoon sax ah ku heleen goobta uu ku sugnaa maxbuuskan oo lagu magacaabo Farhan al-Qadi, balse markii dambe waxaa soo baxday inaysan taasi dhab ahayn oo la helay maxbuuskan isagoo laga tagay oo aysan wax ilaali ah la joogin, marka la helay maxbuuskan wuxuu ku jiray qol 75 feet hoos u qodan, markii ay halkaa gaareen ciidanka Israa’iil oo ay arkeen maxbuuskan waxay la noqotay dagaalyahan Xamaas ah inay u galeen, waqtiyar-se kaddib waxay oggaadeen inuu yahay maxbuus Israa’iili oo aan awood u lahayn inuu wax badan hadlo,xaaladda jir xumo ayaa sidoo kale awood u siin wayday qolka yar ee aan wax badan ka fogeyn bannaanka inuu ka soo baxo.

Dhacdadaan kaddib qof walba ayaa is waydiiyay sababta ay maxbuuskan uga tageen Xamaas iyo xilligan waxa ku aadiyay in maxaabiista la helo?

Waxaan horey u sheegay haddii dagaalku ka gudbo Jannaayo 2024 , waxaa laga yaaba inan aragno waxyaabo aan la yaabno, sida tan hadda ee ah in meydad maxaabiis iyo illaa kuwa nool la heli karo, taasi ma waxay kula noqonaysa daciifnimo iyo awood sirdoonka oo maxaabiista Xamaas lagu soo furtay, hadda tan ma dhihi karno , sababtoo ah waxaan aragna wax u dhacaya si ku talagal ah.

Afartii maxbuus ee meydadkooda la helay illaa Al-Qaadi oo shalay la soo badbaadiyay, waxay u muuqataa wax si ku talagalay ah loo sameeyay, waxaan ku siinaya sharraxaad; meydadka illaa maxbuuska nool dhammaantood waxaa loo soo dhaweeyay goob ay si dhaqso ah ku arki karaan ciidanka Israa’iil , sababtoo ah aagga waa goob ay ku badnaayeen ciidanka Israa’iil, taa oo fududeysay in la helo sida in shalay waqti yar ay ku qaadatay inay ciidanka Israa’iil helaan Al-Qaadi oo aan ka fogeen halka looga baxo godka uu ku sugnaa ee koonfurta Qasa.

Maxay tahay sababta ay tan u sameynayso Xamaas?

Hadda dagaalka ayaa galay waji aan la qiyaasi karin, wuxuu socda 11 bilood oo xabbad-joojin labo toddobaad ah kaliya ay ku dhex jirtay, waxaa suuragal ah in ka badan sannad xaaladan in lagu jiro , sababtoo ah Netanyahu wuxuu sugaya natiijada ka soo baxda doorashada Mareykanka ee dhacaysa 5 November, isagoo doonaya inuu arko Trump , fursad uu u heli karo in dagaalku sii socdo , marka arrimahan waxaa uga xiran Xamaas iyo maxaabiista ay haysato ayaa ah in sii socoshada dagaalka ay khatar ku tahay maxaabiista ka badan 100 maxbuus ee gacanta ugu jirta Xamaas , oo inta badan 3 ama 6 maxbuus hal goob lagu hayo , taa oo ka dhigan aag ballaaran oo dhulka hoostiisa ah inay joogaan maxaabiistan, koox kasta oo maxaabiis ah waxay uga baahantahay Xamaas ilaalo badan iyo nolashooda oo ay ku jirto helitaanka cuntada, biyaha, daawada iyo daryeelka kale , dabcan arrintan waxaa la xisaabiyay ka hor weerarka Oktoobar 7, laakin su’aasho waa saad intee la’eg ayay heystaan koox walba , aragtidayda waa wax aan ka badneyn sannad , iyadoo loo tixgelinayo mudnaanta ay leeyihiin.

Kooxda ugu sarreysa maxaabiista waa askarta iyo ragga, kuwaaso oo laga yaabo inay darajo kala leeyihiin, kuwaaso waxaa loo qaadan kara saad illaa labo sanno ah inay heli karaan, sababtoo ah lama kaydin karo si dhammeystiran goob sida Qasa oo kale ah oo go’doon ah wax ka badan labo sanno oo saad oo aan ula jeedo cunada illaa daryeelka guud, marka hadda waxaad fahmi karta sababta maxaabiista qaar looga tagay kuwa kalana meydadkooda loo helayo, aragtidayda waa wax la xiriirta adeegga ay helayaan, tan waxaan ka aragnay maxbuuska Al-Qaadi oo la helay isagoo ay ka muuqato daryeel xumo , wuxuuna lumiyay miisaan aad u badan oo ka dhigan cuno iyo daryaal kale oo nolaleed oo ku filan inuusan heysan, taana waa midda dhalisay in laga tago. Aan ku socdo , khayraadka sii yaraana wuxuu nagu dhalinaya inan isku diyaarino in meydad badan laga heli karo gododka ku hoos yaalla Qasa ama aan maqli doono dumar maxaabiis ah oo la soo furtay. Waxaa jira wax la yaab leh oo la maqlay maalintii howlgalka 7 Oktoobar waa in Sinwar iyo hoggaanka Xamaas ay la yaabeen tirada badan ee maxaabiista la soo qabtay, waayo badnaanta waxay keenaysa khatar iyo culeys , bartilmaameedka howlgalka ayaanna u muuqday saraakiil ciidan oo qaarkood laga soo qabtay guryahooda, taasoo tilmaam ka bixinaysa inay jirtay dad la calaamadiyay si loo soo qabto. Laakin tirada badan ee dagaalyahannada ka qeyb qaatay howlgalka oo ay ula muuqatay howlgelinta Xamaas inay la kulmi karaan iska caabin ama weerar duqeymo ah oo xubno badan ay ku dhiman karaan ma aysan dhicin , taa beddel keeda ma jirin dagaalyahan faro marnaan ku soo laabtay, mid kasta wuxuu soo watay tiro Israa’iiliyiin ah, laakin unugyada gaarka ah ee Xamaas waxay ku socdeen bartilmaameed sax iyo soo qabashada magacyo ay wateen, taa oo ahayd ujeeddada weerarka.

Ugu dambeyntii aan ku sharraxo waxa aan ula jeedo maxbuuskii shalay inuu ahaa Carab- Israa’iili?

Intiina badan waxaa laga yaaba horey inad u maqasheen, waxaa gudaha Israa’iil ku nool oo la siiyay xuquuqda muwaadin in ka badan 2 milyan oo Carab ah oo ay ku jiraan Falastiiniyiin, kuwaas oo loogu yeero dadka laga tirada badan yahay, waxay leeyihiin Muslimiin badan , tiradaa waxay isugu jiraab dad asalkooda uu yahay Masaari, Ciraaqiyiin, Jordan iyo Falastiiniyiin, waxayna ku jiraan laamaha kala duwan ee dawladda oo ay ka mid yihiin ciidanka ka dagaallamaya Qasa, waxayna oggalaadeen inay ku noolaadaan shuruudaha Israa’iil.

W.Q: IMAN JAAMAC

  

Related posts

Wasiirka Maaliyadda oo beeniyay warar ay faafiyeen Taageerayaasha Farmaajo

Cabdi Cade

Qarax dad badan lagu dilay oo ka dhacay gudaha Masjid kuyaala magaalada Mubi

Cabdi Cade

Xildhibaanada Mooshinka waday oo galabta dhoolatus ku soo bandhigay tiradooda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---