Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ka dhashay Haweeney mareysay bar hubin ah oo la riday

Maxkamadda Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, kuwaasi oo ku eedeysan dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Arrintaan, ayaa markii dambe isku beddeshay  in hub la isku adeegsado, Waxaana Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is rasaaseen xaafadda Taleex ee Degmadda Hodon ku dhex martay Dable Nisa Mahad Cali  Cabdi “Madaxeey”  iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray labadooda.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday toban iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” Dil Toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse halka Cadnaan Muuse Maxamed uu Garsoorku amray in Xoriyadiisa la siiyo.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro)Isbitaalka Laascaanod oo la duqeeyey iyo Wararkii ugu dambeeyey dagaalka

Caydiid Ali

Aqalka Sare oo maanta meel mariyay Sharciga Doorashooyinka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Qoor Qoor (Sawirro)

Cabdi Cade