Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil iyo Ciidamo dagaal ka qeyb qaatay oo Maxkamadeyntooda laga wada hadlay

Madaxwayne kuxigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ay wehlinayaan xildhibaano heer federaal ah ayaa kulan la qaatay gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida gaashanle sare Hassan Cali Nuur Shute.

Kulanka ayaa looga hadlay Maxkamadeenta Saraakiisha iyo Ciidamada ka qeyb qaatay dagaaladii qabiil ee ka dhacay Luuq iyo dardar galinta howlaha adeegga Garsoorka iyo Maxkamada ciidamada xoogga dalka ee 43-aad oo laga hirgeliyo gobalka Gedo.

Madaxweyne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowad ayaa isla qaatay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamada darajada koowad ku gaarto degmooyinka Luuq iyo Ceelwaq si loo maxkamadeyo saraakiisha iyo askarta ka qeyb-gashay dagaalada qabiilada.

Degmada Luuq ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay , kaa oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo u kala saftay qaab qabiil, kaddib dagaal ka dhax qarxay labo maleeshiyo beeleed.

Related posts

Akhriso: Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Farmaajo: “Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Soomaaliyed”

Caydiid Ali

Daawo: Qaraxyadii gilgilay Magaalada Beirut iyo Warar kale oo xiiso badan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---